Tuesday, May 11, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Wararkii ugu dambeeyay Guddoomiye degaan oo Qarax lagu dilay

Wararkii ugu dambeeyay Guddoomiye degaan oo Qarax lagu dilay

11

Dadka ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas uu ahaa miino la geliyay Guriga Guddoomiyaha deegaanka leego oo qaraxaas lagu dilay, xili uu ku sugnaa Gurigiisa, ayna dhaawacyo soo gaareen qaar kamid ah ilaaladiisa.

Guddoomiyihii leego oo lagu magacaabi jiray Xasan Gucdur ayaa muddooyinkii dambe deganaa Guri ku yaalla Wanla-weyn ee Shabeellaha Hoose, waxaana qaraxa kadib degmadaas laga maqlay rasaas xoogan oo ay fureen Ciidanka Maamulka.

Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ciidan ayaa tegay halka uu qaraxu ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Marxuum Xasan iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo dhsawacmay, kuwaasi oo ka geeyay Xarun Caafimaad.

Wararka ayaa waxaa ay intaas kusii darayaan in Ciidanka Maamulka Wanla-weyn ay gudaha degmada ka wadaan howlgal baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxii lagu dilay Guddoomiyaha.

Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfutr Galbeed ayaa waxaa ay horey uga dhacay weeraro isugu jiray qaraxyo  miino iyo mid toos ah oo lagu qaaday Mas’uuliyiin ku sugnaa halkaas iyo Ciidanka dowladda, waxaana weerarada qaarkood ka dhashay khasaaro.