Wararkii ugu dambeeyay Shirkii uu ku baaqay Farmaajo

17

Dhawaan Madaxweynaha muddo  xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ku baaqay shir looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya oo lagu qabanayo 15-ka bishaan magaalada Garowe, hayeeshee aan ilaa iyo hadda la isku raacin halkii shirkaas muhiimka ah lagu qaban lahaa maadama Puntland iyaduna ay ku baaqday in shirku uu ka dhaco Muqdisho.

Maalinta Berito oo Isniin ah ayaa loo asteeyay qabsoomida shirka, balse uusan muuqan ififaalo uu shirkaasi ku furmayo maadaama weli aan sirasmi ah la isugu raacin halka uu ka dhacayo