Wararkii ugu dambeeyey qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho

59

Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax khasaare geystay oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Cabdicasiis ee G/Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay meel u dhow garoonka Kubadda Cagta ee Injineer Yariisow.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari uu la socday guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Muuse Geesey Jimcaale, inkastoo la soo wariyey inuu ka bad-baaday qaraxaasi.

Ugu yaraan hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay,kaas oo ahaa Wade Mooto Bajaajle, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmahan ka dhacayey magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.