Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay duleedka degmada Xudur

40

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaaa ku soo warramaya in halkaasi uu ka dhacay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.

Qaraxa ayaa ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso wuxuuna ka dhacay meeel 25 km ugu beegan dhanka waqooyi magaalada Xudur ee xarunta gobolkaasi.

Ugu yaraan 8 qof oo shacab ah ayey waxyeelo ka soo gaartay qaraxa, waxaana ka mid ah 6 qof oo wadaado ahaa oo dhintay iyo dhaawac labo kale.

Wadaadada ku geeriyooday qaraxa ayaa la sheegay inay reer casuumeeen, islamarkaana ay u socdeen Quraan saar hayeeshee ay qaraxa ku geeriyoodeen.

Inta badan kooxda Al-Shabaaab ayaa qaraxyo ku aasta waddooyinka ay sida aadka ah u isticmaalaan dadka shacabka ah oo had iyo jeer ay waxyeelo kala duwan ka soo gaarto.