Wararkii ugu dambeyey Shil diyaaradeed oo ka dhacay Magaalada Garoowe

102

Faahfaahino dheeraad ah oo laga heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in Garoonka diyaaradaha Magaaladaas uu Goordhow ka dhacay Shil diyaaradeed.

Shilkaas diyaaradeed ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii diyaaradda AirJabuuti ay qeybteeda dambe ee Lugaha uga dhaceen dhabaha ay Caga-dhigtaan diyaaradaha ee Garoonka Gen. Maxamed Abshir.

Dad ku sugnaa Garoonka ayaa ku warramay in diyaarada ay dhowr jeer ku dul-wareegtay halkaas, kadib markii ay lugaha u bixi waayen, hayeeshee markii dambe ayey ku soo dhawaatay Garoonka, sidaasina ay qeybta dambe dhulka lugaha uga dhaceen.

Sawirro laga soo qaaday diyaaradda AirJabuuti ee laga leeyahay Jamhuuriyada Jabuuti ayaa muujinayay in qeybta dambe ee diyaarada waxyeelo kasoo gaartay iyo mid kamid ah Matoorada ay diyaaradu ku duusho.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in diyaarada oo ay saarnaayeen dad farabadan ay si nabad ah uga dageen diyaarada, kuwaasi oo kasoo raaacay dalka, wuxuuna duuliyihii ku guuleystay inuu si xirfadeysan u dejiyo.

Ma jiro jiro wax Khasaaro nafeed ah oo ka dhashay shilkaas diyaaradeed ee ka dhacay Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland,