Wararkii Ugu Danbeeyay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

54

Qarax ayaa duhurnimadii maanta Taladaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaasoo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Qaraxa ayaa ahaa miino, iyadoo lala beegsaday gaari kuwa aan xabadaha karin oo marayay agagaarka Isbitaalka Deva oo ku dhow Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qof waday mooto bajaajle ah uu ku dhaawacmay qaraxa, kaasoo loola cararay Isbitaalka.

Ciidanka amaanka Dowladda ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay waxa ayna halkaasi ka bilaabeen baaritaan la xiriira qaraxa meesha ka dhacay oo aan wali la xaqiijin in gaariga horey loogu sii xiray iyo wadada dhinaceeda la dhigay.

Xaalada ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay sii xumaaneysay, iyadoo qaraxyo iyo weeraro ka dhaceen.

Waxaa u dambeeyay maalin ka hor oo Hotelka caanka ah ee Elite oo ku yaalla agagaarka Xeebta Liido lagu qaaday weerar isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah, taasoo ay ku dhinteen dad ka badan 10 ruux.