WARBIXIN :Dhis-maha Maamulka Hir-shabelle iyo Marxaladii kala duwanaa uu soo maray

48

Waxaan Halkan idinkugu soo Gudbineynaa Warbixin aad ku eegeyno Marxaladihii uu Soo maray Dhsimaha Maamulka Hirshabelle iyo Dhismaha Hadda Socda:

TAARIIKHDA KOOBAN EE HIRSHABELLE SOO MARTAY

Maamulka Hirshabelle waxa uu ka mid yahay Maamul Goboledyadda dalka ka jira waxana hadda Soconaya Dhismahiisa waxana uu ka kooban yahay labbo Gobol oo isku tagay kuwaasi oo kala ah Hiiraan Iyo shabeeladda Dhexe  waxaan idin soo Gudbin doonaa Taarikha iyo Sooyaalka Kooban ee Maamulkaasi soo maray .

KA HOR FEDERAALAYNTA

Kaddib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, labada gobol waxa ka talinayay hoggaamiye kooxeedyo gacansaar la leh dalka Itoobiya mana helin maamul si buuxa gacanta ugu dhiga dhamaan labada gobol.

Hiiraan

Waa gobol ka mida gobollada ku yaal bartamaha Soomaaliya, xadna la leh gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud, Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool iyo Gobolka Soomaali Galbeed ee Itoobiya. Magaalo madaxda Gobolka waa Beledweyne. Gobolka waxaa mara wabiga Shabeelle ee ka yimaada dhanka itoobiya.

DEGMOOYINKIISA WAXAA KA MID AH   GOBOLKA HIIRAAN

Beledweyne     Buuloburde       Jalalaqsi              Maxaas      Matabaan    Farlibaax

Buurweyn     Dajis         Quracjome

Waxa ay gaaraysaa tirada dadka qiyaastii 975.000 halka uu bedeku yahay 31.510 km², waxaa mara webiga shabeelle qiyaastii dhul dhan 170 km.

Bulshada reer Hiiraan oo u badan dadka reer guuraaga ah haddana gobolku wuxuu leeyahay dhul dheereed ku fiican tacabka iyadoo la ogayahay guud ahaan Soomaaliya ay leedahay 8 malyan oo Hektar Hiiraan waxaa kaga so aadeeysa qiyaastii in ka badan [1500)Hektar].

SHABEELLAHA DHEXE

Waa gobol ka mid ah dalka Soomaaliya bedkiisu yahay 22.663 km² tirada dadkuna gaaraysa 863.000 qof xaruntuna waa Jowhar. Xad la leh gobollada kala ah Galguduud, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir kana qoyan dhanka Badweynta Hindiya. dhanka waqooyi waxaa kamara Webiga Shabeelle.

DEGMOOYINKA GOBOLKA SHABEELLAHA DHEXE WAXAA KA MID AH

Jowhar    Balcad    Aadanyabaal    Mahadaay   Warshiikh  Cadale    Ruunnirgood

Waxa ay gaaraysaa tirada dadka qiyaastii 863.000 halka uu bedeku yahay 22.663 km², waxaa mara webiga shabeelle qiyaastii dhul dhan 125 km.

Bulshada reer Shabeellaha dhexe oo u badan dadka reer guuraaga ah haddana gobolku wuxuu leeyahay dhul beereed ku fiican tacabka iyadoo la ogayahay guud ahaan Soomaaliya ay leedahay 8 malyan oo Hektar Shabeellaha Dhexe waxaa kaga so aadeeysa qiyaastii in ka badan 700 Hektar.

Bulshada

 Dowlad gobaleedka hirshabeelle waxaa ku nool bulshooyin badan oo gaaraayo ilaa iyo 24 qabiil oo kala gadisan oona soomaali ah qabiilada ugu badan waxaa ka mid ah Jareerweyn,Xawaadle,Abgaal,Badicade, ,Jijeele Gaaljecel iyo qabilo kale oo badan ayaa dega .

BILOWGA DHISMAHA MAAMULKA HIRSHABELLE

Waxaa la unkay Oktoobar 9, 2016 Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle laguna dhaariyay Magaalada Jowhar, tirada xildhibaannada oo ahayd 82 waxaa gadaal looga daray 15 wadarta guud ee xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa laga dhigay 97 xubnood.

Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Oktoobar 10, 2016 kulankoodii ugu horeeyey ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta Shabeellaha Dhexe isla markaana ah xarunta maamulka Hirshabeelle, Baarlamaanka Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa waxa ay gudoon ku meel gaar ah u doorteen mudane Maxamed Siyaad Barqadle[1].

Oktobar 12, 2016 Xildhibaanada baarlamaanka Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa waxa ay ka dhagaysteen qudbadaha ay jeedinayeen musharixiinta u taagan qabashada guddoonka sare ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

 Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamaya oo u taagan saddex musharax oo kala ah Abuukar Xasan Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha Federalka iyo dib u heshiisiinta Maamulka gobolka Sh/dhexe, guddoomiyihii hore ee degmada Beledweyne Shiikh Cismaan Barre iyo Cali Cabdulle Isgoow, sidoo kale xilka Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle waxaa isku soo sharaxay laba Musharax Ismail mohamed nur iyo Cabdi Xuseen Geedi halka ku xigeenka labaadna ay isu soo sharaxeen saddex xildhibaan oo ay mid kamid ah tahay dumar Canab Axmed Ciise

Oktoobar 22, 2016. Waxaa lagu caleema saaray Madaxweyne Cali Cabdullahi Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali (guudlaawe)

Qilaaf iyo is jeed jiid dheer kadib  hirshabelel sanadkii 2017-kii waxa ka dhacay doorasho

DOORASHADII WAARE

Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa sanadkii 2017 waxaa ay madaxweyne u doorteen Maxamed Cabdi Waare isaga oo ka adkaaday Daahir Cabdulle Cawaale.

Doorashada Waare waxaa ay timid kadib markii 14-kii August 2017kii ay xildhibaannada Hirshabelle xilkii ka qaadeen Cali Cabdullaahi Cosoble, iyaga oo ku eedeeyay xil-gudasho la’aan.

MAXA HADDA SOCONAYO

Waxa maalmihii u dambeeyay khilaaf xoogan ka jiray Dhismaha maamulka HirShabeelle, kaasi oo ka dhashay isbedel deg-deg ah oo la rabo in lagu sameeyo hogaanka sarre ee maamulkaasi, taasi oo saameyn weyn ku yeelaneysa xilalkii ay beeluhu ku lahaayeen maamulka.

Dhismaha maamulka Hirshabelle ayaa waxa ay ku soo aadeysay xili waqti xiledka mamaulkaasi oo dhamaaday waxana durba bilowday dhismaha baarlamanka Cusub ee Maamulka Hirshabeelle kadib markii lagu dhawaaqay 90 xildhibaan oo ka mid noqonayo Barlamanka Maamulkaasi

Guuxa khilaafka ka taagna Jowhar ayaa Siyaasiyiinta qaar soo warinayaan in la damiyay, halka kuwa kale ay ku doodayaan midaasi badalkeeda, taasi oo jahwareer cusub u horseedaysa dhismaha HirShabeelle.

FALLANQEYNTA SIYAASADDA

Dadka qaar ayaa qaba in dhismaha maamulka hirshabelle ee hadda socda inay ka duwan yahay qababkii ay u dhismeyn maamulada kale ee dalka ka jira.

Dr Maxaamuud Maxamed Culusow waa guddoomiyaha hore bangiga dhexe waxana uu ka mid yahya siyaasinat soomaaliyed waxa uu qabaa in dhsimaha mamaulka Hirshabelle aan loo marin habkii haboona Balse markan ay  keeni karto in ay dhismaha mamaulkaasi uu horseedo qilaaf kale iyo in ay meesha uu yimaado is qabqabsi kale.

Dr Maxaamuud Maxamed Culusow ayaa waxa uu qabaa in laga soo dib dhacay dhismaha maamulka Hirshabelle waxana uu tilmamay in hadda la maamulayo doorashad a hirshabelle iayadoo aysan wax maamul ah aysan ka jiran sida uu hadalka u dhigay

Tan iyo markii uu dhamadaay muddo xileedka baarlamanka maamulka Hirshabeelle waxa soo baxaya qilaaf la xariira dhismaha guddiga doorasha baarlamanka  maamulkaasi iyadoo hadda la soo magacabay ilaa iyo 90 xildhibaan kuwaasi oo aan weli la dharin waxana weli jira siyaasin iyo beelo weli saluugsan sida ay wax uga socdaan magaalada Jowhar ilaaiyo haddana dowlada federalka  mowqifkeeda siyaasiga ah kama aysan hadal arrimaha ka socda Hirshabeele