Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo gobolka Banaadir ayaa dhowaan xal kama dambeys ah ka gaaray doorashada 2020/2021, kadib shir wada-tashi ah oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Warbixintaan oo aan guud ahaan uga hadleyno xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa waxaa sii gaar ah diiradda ugu saari doonaa doorka muuqda ee uu Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ka qaatay shirkii wada-tashiga Muqdisho ee heshiiska looga gaaray doorashada Soomaaliya.
Horudhac
Ka hor shirka wada-tashiga dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, Madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu 9-kii bishan September shir ku qabtay magaalada Baydhabo, kaas oo ay ka qeyb-galeen Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo HirShabelle, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo Maxamed Cabdi Waare.
Shirkaas oo qaatay hal maalin ayaa waxaa ujeedadiisu ay aheyd, sidii xal waara looga gaari lahaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan adkeynta heshiiskii horey loogu gaaray magaalada Dhuusamareeb iyo sidoo kale ka tashiga shirkii magaalada Muqdisho ee looga hadlay doorashooyinka Soomaaliya.

SAFAR
Shirkii Baydhabo kadib, isla 9-kii bishan aynu ku jirno Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ayaa u soo kicitimay magaalada Muqdisho oo si ballaaran lagu soo dhoweeyey, waxaana garoonka diyaaradaha uga hortegay guddoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaano, wasiiro, mas’uuliyiin kale iyo dadweyne fara badan.

IS-ARAG
Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa 10-kii bishan ka qeyb-galay kulan horudhac ah, kaas oo ay isku wada-arkeen dhammaan shanta Madaxweyne goboleed, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Madaxweynaha dalka.

KULAMO
Kadib Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo aan nasan ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah, wuxuuna 11-kii September hoygiisa ugu tegay guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Lafta Gareen ayaa Mursal kala hadlay xaaladda Siyasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Sidoo kale isla 11-kii bishan Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay ka go’neyd ka gun-gaarida arrimaha doorashooyinka ayaa hoygiisa Muqdisho ku soo dhoweeyey dhiggiisa Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed Deni, wuxuuna kala hadlay inuu tanaasul sameeyo, si loo wada gaaro xal kama dambeys ah oo dan u ah Ummadda Soomaaliyeed.

Maalin kadib 12-kii September wuxuu qaabilay Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle oo uu kala hadlay qadiyadda doorashada iyo marxaladda kala guurka ee uu dalku ku jiro.

SHIRKA
Intaasi ka dib waxaa si rasmi ah u billowday shirkii loo ballansanaa ee doorashooyinka, kaas oo uu Villa Soomaaliya ka daah-furauy Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), waxaana diirada lagu saaray Doorashooyinka, Amniga, Kobcinta dhaqaalaha, iyo la dagaalanka Argigixisada.

WAR-MURTIYEED
Shirkan oo maalmo badan qaatay ayaa waxaa gaba-gabadii laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban illaa 15 oo ay ku wada heshiiyeen madaxda Soomaaliyeed.

AMMAANKA
Dadaalka uu sameeyey intaasi kuma ekeen Madaxweynuhu wuxuu shirar muhiim ah la qaatay xubno kala duwan oo uu ka mid yahay taliyaha ciidamada Xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage, wuxuuna 15-kii bishan September kala-hadlay arrimaha ammaanka iyo dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan howl-gallada ka socda gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu la shiray hoggaanka hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee uu agaasimaha ka yahay Maxamed Aadan Koofi, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah.

MAHADCELIN
Si loogu mahadceliyo dadaalkaasi uu sameeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo saaxibiisa ayaa munaasabad ballaaran waxaa u sameeyey sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad, taas oo aheyd mid dhiiro-gelin ah.

Gabagabo
Ugu dambeyn Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulan ballaaran la qaatay xildhibaada iyo wasiirada dowladda federaalka ee ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi, isaga oo kula dar-daarmay inay ka shaqeeyaan hir-gelinta heshiiska laga gaaray doorashooyinka.
Kadib Madaxweynaha oo ku guuleystay dadaalladii uu waday ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhabo oo si ballaaran loogu soo dhoweeyey, kadib maalmo uu ka maqnaa.

BAYDHABO
Si kastaba ha’ahaatee hormariyaha Koonfur Galbeed iyo Qaranka ayaa weli dadaalkiisa ka wada magaalada Baydhabo, wuxuuna ku marti-qaaday Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane SiciiCabdullahi Deni oo haatan ku sugan magaaladaasi.
