Warbixin: Horumarka laga dareemayo degmada Afgooye & doorka guddoomiye Najah

56

HORUDHAC  AFgooye

Afooye Waa Degmo ka Tirsan Gobolka Shabeelaha hoose Waa Magaalo aad u Qurux badan ku Taalo Meel istaraatiiji ah Soddon km(30 km) kaga beegan Galbeedka Magaalada Muqdisho.Tirada Dadka ku Nool waxaa lagu Qiyaasaa ku dhowaad 79,400 oo Ruux.

Degmadu waxey leedahay dhul beereed aad u baaxad weyn. Bartanka Magaalada Waxaa Mara Wabiga Shabeele oo ah Wabiga ugu dheer somaaliya Magaaladu Waxey leedahay Laba Buundo oo aad u Qurux badan, Sidoo kale Magaalada waxaa loogu kala goosha doonyo ka Sameysan alwaax oo loogu kala gudbo karo wabiga labadiis dhinac.

Degamadu waxaa ku yaalo Suuqa ugu weyn ee ka ganacsiga xoolaha nool ee gobolka shabeelaha hoose.

XAAFADAHA DEGMADA AFGOOYE

Degmada waxey ka koobantahy Xaafado aad u tiro badan hadii aan kasoo qaadano kuwo Caansan Waxaa ka Mida :

Xaafada Xaawo taako: oo ku taalo dhanka bari ee magaalada waxaa rugta ganacsiga ee degmada

Xaafada 21ka Oktoobar: oo ku taalo dhanka galbeed ee magaalada

Xaafada Damaleey

Xaafada Dhagaxtuur

Degmada waxaa hoos imaada Tuulooyin aad u fara badan .

WAXBARASHADA DEGMADA AFGOOYE

Nidaamka Waxbarasha Degmada Afgooye waa Mid lamida guud ahaan wadanka Somaliya, Tan iyo Burburkii dowladii dhexe ee Soomaliya Nidaamka wax barsho ee wadanku waxuu ku jiray xalado aa d u adag blse Waxaa gacanta ku hayay Nidaamka Daladaha..

DUGSIYADA SARE EE UGU CAANSAN DEGMADA WAXAA KA MIDA:

Aala Yasir Primary&Secondry School

Abii-Musa Primary&Secondry School

Al-Qasimi Primary&Secondry School

Al-Isra Primary&Secondry School

Al-Madina Primary&Secondry School

Al qalam Primary&Secondry School

CAAFIMAADKA:

Degmadu waxey leedahay isbitaalo caafimaad oo la tacaala bukaanka xanuunsan.

Sidoo kale waxa degmada Afgooye Ku yaala MCH oo hooyadda Iyo dhalaanka.

TAARIIKH

Degmadu waxey soo martay Maamulo kala duwan Mamulkii ugu Xukunka dheeraa waxuu ahaa Maamulkii Saldanada Galadi Oo ka talinayey Ku dhowaad 150 Sano laga soo bilaawo Dabayaaqadii Qarnigii 17aad ilaa 1910 Taariiqda Miilaadiga. Waa magaalo aad u Nabdoon leh dhul beeraad aad baaxad weyn.

Waa magaalo dhaqaalo ahaan iyo quruxba leh waa magaalo isku xerto ganacsiyadda Gobolka banaadir iyo Maamulka Koonfyr Galbeed Soomaaliya

MAXAA INTAASI DHEER?

Afgooye waa degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, Degmada Afgooye waxeey caan ku tahay sida la yaqaan istunka.

Degmada Afgooye waxaa dhexmara Wabiga Shabeelle.

Magaca Afgooye waagii hore waxaa loo yaqaanay ((Aruundaaley)) afgooye waa degmo aad iyo aad u weyn dadka dega inta badan waxay ku tiirsanyihiin beeraha & xoolaha.

AFGOOYE MAXAY CAAN KU TAHAY?

Degmada Afgooye muqdisho waxay u jirtaa 30 km kaliya wax yaalaha ay ku caan tahay waxaa ka mid ah webiga shabeealdda Hoose iyo waxay kaloo caan ku tahay beeraha waxay kaloo caan ku tahay labada buundo oo dadka degan degmada badankooda u yaqaana kal yare iyo kal weyne.

 Hadaan idin fasiro waa buundada yar iyo buundada weyn :

Degmada waxay kaloo caan ku tahay doomaha looga gudbo labada gadi sida :

Raqeyle iyo dhagaxtuur dhanka kalena Baalgure iyo suuqa weyn ee hilwaaley.

Dadka degan degmada waxay aaminsan yihiin qur’aanka kariimka caruurtooda dumarkooda iyo dhalintooda iyo odayaashooda waa xaafidiin,Qur’aan

 Waa  dad jecel nabada iyo maamul wanaaga . Afgooye waxay ku kooban tahay sida laba geddi intaa waa hal webi: Baalgure, Raqeyle, Godey, Siigaale, Ceelqode, Daaf Eyle iyo Aaytire iyo Waanjeel intaanta isku wada duub waxaa la dhahaa (21 october).

Geddiga kalena waxay yihiin sida tan: Dhagaxtuur, Damaley iyo xaawo taako sedexdani labada Geddi waxa kala bara webiga shabeelaha hoose.

degmadani waa degmo aad iyo aad u qurxoon doogeeda iyo quruxdeeda lama qiyaasi karo ninkii tagay ayaa wax ka shegi kara oo kaliya .

AFGOOYE IYO XILI ROOBAADKAAN

Gudoomiyaha Gobolka shabeeladd Hoose hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxaa uu Shacabkiisa la qeyb saday dhibaatada iyo saameynta roobka ku yeeshay gaar ahaan Shacabak reer Afgooye oo ka mid ah Shacabka Ugu Nugul Biyaha Roobka

Waxana uu Yiri Madaale Ibrahim Adan Ali Najah “Iyadoo Roobab waa-weyn ay ka daa’yaan Guud ahaan Degmooyinka iyo deegaanadda Gobolka Shabellaha hoose, waxaan qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqayaa in ay ka war qabaan walaalahood uu saameynta ku yeeshay  roobabka isla markaana aanan heysan hooy ay ka galaaan dhibicda roobka iyo cunno. “

Sidoo kale waxa Uu tilmaamay in “Maamulka Gobolka Shabellaha hoose iyo Maamuladda Degmooyinka iyo deegaanada waxay si dhaw ula socdaan qasaaraha ay geysanayaan roobabka iyadoo aan heegan gelinay dhamaan maaamuladda”.

DHINACA AQOONTA IYO GARAADKA BULSHADA IYO MAAMULKA

Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda hoose Mudane Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxa uu tababar u soo xeray Bulshada  iyo maamulkaDegmada Afgooye 21 Bishii Octbare tababar aqoon kororsia h mar uu ka ahdlay Gudoomiye Najah Madshaasia yaa waxa uu Yiri: “”Waxaan soo xiray tabbabar 5maalin ugu socday Degmada Afgooye Maamulka degmada iyo maamulada deegaanada hoosyimaada Afgooye Lafoole,Jaziira,Sabiid Caanoole iyo Mareere.tabbabarkaan uu soo agaasimay Maamulka Gobolka Shabellaha hoose ayaan ku tayeeneynaa maamulada degmooyinka.  “

“Dhamaan ka qeybgalayaasha ayaa casharo la xiriira habka wada shaqeynta ku qaatay tabbabarka iyadoo aan gudoonsiinay shahaadoyin.”

 KOORMEERKA  DEGMAD AFGOOYE EE GUDOOMIYE NAJAH

Gudoomiyaha ayaa waxa uu kormeer ku tagay deegaanka Doon-Awsuur ee Degmada Afgooye amr uu halkaasi hadalo qiimo leh uu ka jeediyay waxa uu Yiri: “Kormeer shaqo ayaan ku tagay deegaanka Doon-Awsuur ee Degmada Afgooye oo todobaadki hore lagu dilay horjooggayaal sar-sare iyo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab,Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyed ayaa Jab-xoogan gaarsiiyay maleeshiyadi dooneysay inay car-qaladeyso amaanka deegaaanka.”

“Sidoo kale waxaan shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amaanka guud ee Degmada Afgooye iyo deegaanada hoosyimaada. Waxaan markasta garab taaganahay Ciidanka XGDS ee u taagan difaacada Shacabkeenna.”

ISBADALKA MAAMULKA DEGMADA

Maamulka Cusub ee degmada yeelatay waa qeyb ka mid ah isbadal dhanka Maamulka oo lagu Horumarinayo  degmada Afgooye waa Dadaalak hagar la’aanedy ee Gudoomiye Najah

10 BISHII OCTBAR  degmada waxa ay yeelatay maamul Cusub :

Ka-dib soo jeedinteyda, Wasiirka arrimaha gudaha Koonfurgalbeed ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Afgooge halka  Aweys Cabdullaahi Cumar loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee Degmada Afgooye.

Waxaan farayaa qeybaha kale ee maamulka in ay si daacadnimo ah ula shaqeeyaan gudoomiyaha cusub lana dar-dargeliyo shaqada loo hayo bulshada.

Gudoomiyaha D.Afgooye oo Odayaasha Mirifle Kala Hadlay Isdhexgalga Bulshada.

Gudoomiyha degmada Afgooye Ahna Duqa magaalada mudane Aweys Abdullahi Omar (Buulalow) Ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha Beesha mirifle ee Degmada Afgooye.

Odayaasha ayaa ugu horeyn Gudoomiyah soo gaarsiiyay salaan wexeyna usheegeen gudoomiyaha inay aad ugu farxeen soo magacaabistiisa.

Waxaana odayaasha Gudoomiyaha ka codsadeen inuu dhamaan kulan u qabto Odayaasha beelaha dega Degmada.