(WARBIXIN ) Maxaa Laga Bartay Qaraxii Zoobe Kadib ?

83

In laga hadlaa dhacdo la  mid ah tii zoobe waxa ay maskaxda dad badan ku abuurtay Murugo iyo uur ku taalo aan laga soo noqon waxaana ay  noqotay mid weli maanka shacabka Soomaaliyeed ka guuxeyso waxaan warbiixintaan ku eegi doona Maxa laga bartay ? side loo maareyay maxaa Hortaagn in Caadaalada la horkeeno dadkii ka dambeyay Qaraxii Zoobe?

Intee la egyahay Qasaaraha Ka dhashay  Qaraxaasi  intaasi iyo in ka badan oo ku saabsan dhacdadii zoobe Warbixintaan Hoose ku Akhriso:

Soomaaliya weli sooma marin in dad ka badan 350 qof ay hal maalin oo kaliya qarax ku dhintaan. Waa dhacdo dhalisay su’aalo iyo doodo dhinacyo badan yeeshay. 50 qof ka badan ayaa weli la la’yahay. Waxaa loo tirinayaa inay dambaska ka mid noqdeen.

Su’aasha aan ilaa hadda jawaabta loo helin waxay tahay nooca qaraxan uu ka samaysnaa ee sidaa dadka u laayay. Ma qaraxyadii gudaha dalka lagu farsamayn jiray baa, mise waa wax nagu cusub oo ka tan weyn?

MAXAA ISKA BEDALAY AMMAANKA MUQDISHO, KADIB QARAXII ZOOBE?

Iyadoo maanta ay ku beengan tahay 14-ka October sanadka 2020-ka oo ah maalintii uu dhacay qaraxii xooganaa ee Zoobe sanadkii 2017-kii ayaa waxaa warbixintan ku eegi doonaa arrimaha ammaanka iyo waxyaabaha iska bedalay saddex sano kadib.

Qaraxaas oo is-miidaamin ahaa ayaa noqday kii ugu xooganaa ee ka dhaca Soomaaliya, waxaana ku dhintay 587 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Waxa uuna qaraxani sababay Tiro dhimasho iyo dhaawac ooo Aaad ufara badan

 xiligaa weerarkaas aad bey u adkeyd in la,ogaado qasaaraha dhabta ee weererkasi sababo laxiriira weerarka oo ahaaa mid aad u weyn dhumashada iyo dhawaca ka sakow waxaa jiray dad lagu waaaye nolol iyo geeri Toona iyadoona in mudo ah labaadi goobaye halka kuwa qaar maaalma kadib lagasoo dhex saaaray dhismihii uu qaraxa bur,buriyay hoostoodii 

Weerarkii Zoobe ayaa waxa uu noqday mid Bulshada ku abuuray Tiiraanyo iyo xanuun maadamaaa lasheegay in werarkasi mid udhigma uusan soomaaliya ka dhacin  dhawacyada dadka soo gaaaray ayaaa Boqolaal kor udhaafayey  waxana badi dhaawacyadoodii loo qaaaday dalalka ay kamid yihiin Turkiga iyo Suudan kuwaasi ooo kaaalmo dhanka caafimadka ah noo fidiyay 

Hadaba 3sano ayaaa ayaa laga jooga xasuuqiii  14kii October waxana dowlada dhexe eee somaliya lagu eedeynayaa in 3sano kahor sida uu ahaaa amniga magaalada uu haatan weli uu yahay uusan jirina wax is bedel ah ee lagu xakameeye weerarada iyo qaraxyada kadhacaya magalada caasimada muqdisho waxana aragtidaasi qaba  Taliye ku xigeenkii hore ee NISA  Ismaaciil Cusmaaan oo warbaahinta la hadlay  

QM OO SHAACISAY WAR LA XIRIIRA QARIXII 14-KII OKTOOBAR

Munaasabadda sanad-guurada saddexaad ee ka soo wareegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14kii Oktoobar 2017 ka dhacay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, Qaramada Midoobay ayaa maanta xustay dhibbanayaashii iyo dadkii ka badbaaday weerarkaas foosha xumaa waxayna carrabka ku adkeysay sida ay u garab taagantahay dhammaan dadka Soomaaliyeed.

“Bahda Qaramada Midoobay, oo la jirta dadka Soomaaliyeed, waxay diiradda saaraysaa mustaqbalka iyo in la sii wado amba-qaadista horumarka ku aaddan nabadda, dowlad wanaagga, iyo barwaaqo ku-soo-dabbaalidda [dalka]”. Horumarkii lagu tallaabsaday laga soo billaabo 2017kii wuxuu ka turjumayaa adkeysiga dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan mustaqbal wanaagsan inkastoo ay jirto dhibaatada xagjirnimada gacan-ka-hadalka leh. Si kastaba ha ahaatee, arxan-darradii waxuushnimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017-kii lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Weerarka waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof wuxuuna ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsaday walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs). Boqolaal kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

GURMAD DEGDEG AH

Shacabku si isku mid ah ayey uga jawaabeen ayadoo aan loo eegin farqiyada siyaasadeed ama kala duwanaanshaha afkaarta. Meydadka la aasay mooyee waxaa jiray in dhaawacyada gurmad xoog leh loo fidiyey.

Dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Jabuuti, Qadar, Iimaaraadka, Kenya, Itoobiya, Maraykanka iyo Suudaan ayaa dhaawacyada intoodi darnayd loo qaaday ama soo diray dhakhaatiir iyo gargaar caafimaad.

Waxaa soo baxay dhallinyaro is abaabulay oo gurmadka qayb lixaad leh ka qaatay. Waxaa la oran karaa waxay buuxiyeen kaalintii looga baahnaa kooxaha baaritaanka iyo samatabixinta oo ugu yaraan dal walba uu leeyahay si markii ay masiibo timaado ay ula tacaalaan.

DHIILLADA QARAXA

Sida aan kor ku sheegay, qaraxan oo kale weli hore uma soo marin taariikhda Soomaaliya. Dad goobjoogeyaal ah waxay sheegeen in gaariga qarxay uu sameynayey guux la moodo sidii Folkaane qarxi raba, intii uu gaarigu soo cararayey isgoysyada Banaadir iyo Soobbe dhexdooda. Dhismeyaal dhagax ka samaysan, sida Hotel Safari, ayaa gebi ahaanba ilbiriqsiyo gudahood dhulka la sinmay.

Dadka aqoonta u leh waxyaabaha qarxa waxay sheegayaan in ay u badan tahay in la kordhiyey awoodda qaraxa oo ugu yaraan la horumariyey ama lagu daray waxyaabo cusub oo waxyeellada badinaya.

WAXAA ISWEYDIIN MUDAN HALKA AY KU DAMBEEYEEN TALOOYINKII GUDDIGA OO AY KU JIREEN:

In la xoojiyo Wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Masiibooyinka loona dhammeystiro agabka, shaqaale tababaran si ka hortag, ka jawaabcelin iyo soo kabashaba ay u siin karto dadka masiibooyinka wax ku noqda Alle naguma keenee.

In degdeg loo abuuro sanduuq dhaqaale oo lagu daryeelo carruurta ku agoontowda colaadaha, abaaraha, qaraxyada iyo masiibooyinka kale.

In la maalgeliyo canshuur dhaaf lix bilood ah loo sameeyo ganacsatada aagga Soobe si ay dhaqso uga sookabtaan burburkiihantiyeed ee soo gaarey.

TIRAKOOBKII LA SOO SAARAY MARKII MUSIIBADA  DHACDAY KADIB

Guddigan la magacaabay, inkasta oo umadda loo sheegay qaraxii October 14, hadana waxaa mas’uul looga dhigay iney lacag u aruuriyaan dad ku geeriyoodey seddex qarax oo gaarayey 656 qofood:- 587 waa KM5, halka tirada NH2 ka ahayd 46 iyo tirda Dugsiga Sare ee J. Kaahiye ay ahayd 23 qofood.

Qaraxa Zoobe, dadka waxyeellada soo gaartay ayaa kala ahaa (B) Warato iyo muruqmaal, (T) Albaabley (dadka kireysta goob ay ku ganacsadaan), (J) Gaadiidlay oo u kal baxda: (bajaaj, taxsi, Bl, gaari xamuul ah) iyo qaar kale.

Muddo 5 bil ah oo guddiga shaqeynayey waxaa soo gaarey deeqo isugu jirey lacag, agab caafimaad, raashin, iwm. Guddigu wixii aan ahayn lacag wuxuu ku wareejiyey heyadaha dowladda ee u xilsaaran adeegaas.  Dhaqaalaha soo gaarey guddiga gurmadka wuxuu ahaa 4,402,684.63 Million oo Doolar, lacagtaas waxaa bixiyey shacabka Soomaaliyeed ee dal iyo dibad joogay halka Jabuuti ay ku tabarucday hal milyan oo doolar iyo dowladda federaalka ah oo ku dartay milyan oo doolar.

Lacagaha ayaa kusoo dhacay: Dahabshiil Bank: 333,064.82, Salaam Bank: 2,211,318.87,  premier Bank: 72,309.50, Amal  Bank: 742,082.44, IBS  Bank: 37,692.00, Central Bank: 1,000,000.00, Sahal A/C  : 5,312.00  iyo Go Fund  : 905.00.

Qaraxaas oo is-miidaamin ahaa ayaa noqday kii ugu xooganaa ee ka dhaca Soomaaliya, waxaana ku dhintay 587 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Hadda waxa weli dad badan ay is weydinayaa Maxaa  Laga  Bartay Qaraxii Zoobe  Kadib ?

Waa su’aalo dad badan oo soomalaiyed ay I sweydinayaa waxana looga fadhiyaa shacabka soomaaliyed in ay ka jwaaban

Si kastaba ha ahaatee, qaraxan waxa uu taariikhda ku galayaa in uu yahay kii ugu qasaaraha badnaa ee abid ka dhacay Soomaaliya, waxaana durba jira magacyo ay dadka u bixiyeen, sida “Qarixii dhul gariirka”.

Qaraxii Zoope kadib imisa qarax oo kale ayaa dhacay? Wax malaga bartay qaraxii Zoobe? hadiise laga bartay wax uun cashar ah mala waafajiyay casharadaasi in looga hortago qaraxyadi kale ee dhacay? Mise waa sidii Zoobe wuxuu la mid yahay qarxayadii hore oo ay xaaladdu ahayd qaraxba qarax kale ku ilow.