Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Ali (Najah) oo maalmihii u dambeeyey ku mashquulsanaa horumarinta gobolka ayaa 9-kii bishan socdaal shaqo ku tegay degmada Marka iyo degaanada ku xeeran ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Horudhac
Socdaalkan oo uu ujeedkiisu ahaa hir-gelinta mashaariic muhiim ah iyo ka war-qabka bulshada ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehlinayey Senator Xuseen Cali Xaaji, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale, waxaana markii ay Marka tageen u soo banaan-baxay, si ay u soo dhoweeyaan mas’uuliyiinta degmada iyo boqolaal dadweyne ah.

Shaqo
Intaasi kadib guddoomiyaha ayaa guda galay u jeedka socdaalkiisa, wuxuuna isla markiiba magaallo xeebeedka Marka ka daah-furay tababar muhiim ah oo ku saabsanaa maamulka iyo maareynta.

Tababarkaas oo isla todobaadkan la soo xiray ayaa waxaa loo qabtay mas’uuliyiinta maamulka degmada Marka iyo deegaanada ku xeeran, si sare loogu qaado aqoontooda.
Najah oo xiritaanka siminaarka ka jeediyey khudbad qiimo badann ayaa yiri “Waxaan magaaladda Marka ku soo gaba-gabeynay Tababar lagu baranayay Daadajinta hanaanka maamulka iyo wada shaqeynta heer degmo iyo Degaan. Tababarka ayaan ugu tala-galnay inaan ku xoojino aqoonta Gudoomiyaasha deegaanada iyo Degmada ,Shahaado sharaf ayaan guddoonsiinay dhamaan ka qeyb-galayaashii tababarka.”

Dalxiis
Sidoo kale guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa dalxiis ku tegay meelaha muhiimka ah ee magaalada Marka, isaga oo waqti badan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.
Guddoomiyaha ayaa dhalinyarada ku dhiiro-geliyey inay xoojiyaan dalxiiska iyo damaashaadka, si u soo bandhigaan bilicda Marka oo ka mid ah magaalooyinka qadiimiga ah ee Soomaaliya.

Kulan
Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa ka qeyb-galay kulan dadweyne oo lagu qabtay magaalada Marka, iyada oo su’aallo ku aadan wax-qabadkiisa lagu weydiiyey.

Guddoomiyaha oo horumaro ballaaran ka sameeyey dhammaan degmooyinka gobolka, marka laga reebo meelaha ay kuu dhuumaaleysanayaan cadowga Al-Shabaab ayaa si faah faahsan uga jaawabay su’aalaha shacabka, gaar ahaan intooda weydiiyey su’aalaha gaarka ah.
“Waxaan ka qeybgalay kulan uu soo Agaasimay Maamulka Degmada Marka leyguna weydiinayay su’aalo ku saabsan shaqooyinka aan ka qabanay Degmooyinka Gobolka Shabellaha hoose iyo kuwa hada noo qorsheysan.” ayuu yiri

Kormeer
Intaasi oo kaliya kuma koobna socdaalka la mahdiyey ee Madaale Najah, wuxuuna sidoo kale kormeer shaqo ku tegay deegaanada Janaale iyo Buufow, si gaar ahna wuxuu u soo indho-indheeyey Kanaallo uu maamulku qoday iyo dayactir ballaaran oo lagu sameeyey Boondooyinka deegaanadaasi.

Gaba-gabo
Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee uu horkacyo guddoomiye Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday howlaha shaqo ee loo igmaday, gaar ahaan u adeegida bulshada, isagoona si weyn loogu xasuusto dadaalkii uu u galay la tacaalida fatahaadihii webiga Shabelle ee ku dhuftay qeybo badan oo ka mid ah gobolka Sh/ Hoose.