WARBIXIN:Waxsoosaarka Beerashada Gobolka SH/Hoose Iyo Doorka Gudoomiye Najah ku lahaa Wax soo saarka Gobolka.

303

Beeraha gobolka shabeeladda hoose  waa isha koowaad ee waxsoo saarka deegaanada dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya  taasi ooy tiro badan oo dad ahi ku tiirsan yihiin. Sida caadiga ah, dallaga Soomaaliya waa dhamaan dhirta iyo khudaarta ka soo baxa beeraha gobolka shabeeladda Hoose

Waxsoo saarka beeraha gobolka waxay gaarsiisan yihiin 65% Dhaqaalaha aasaasiga Dowlad goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya , taasi oo soo ururinaysa isticmaalka Deegaanka dhexdiisa iyo dhoofinta badeecada wadanka inteeda kale loo ganacsi geynayo.

WAX SOO SAARKA BEERAHA SHABEELADDA HOOSE :

Gobolkaan  waa deegaan dihin oo leh khayraad badan oo kala duwan sida kaluunka, beerashada iyo xoolaha nool oo kamid ah wax yaabaha Bulsahda shabeealdda Hoose  ay hodan ku yihiin  oo uu ilahay ugu nimceeye Qormadeenan waxan kaga hadli khayradka Gobolka shaabeeladda Hoose  gaar ahaan BEERAHA

HORDHAC

Waxsoo saarka beeruhu waa isha koowaad ee quudisa xoolaha in ka badan kala badh dadka shabeeladda hoose  oo ah xoolo-dhaqato iyo beeraleey . Sidoo kale, beeraha waxaa ka soo baxa noocyo badan oo dallag ah kaasi oo loo isticmaalo farsamaynta cuntooyinka kala duwan ee deegaanada KGS laga cuno. Warbixin ay soo saartey Hayada Cuntada Aduunka (WFP) waxaa lagu sheegay in ilaa 65% dhaqaalaha seddexda Gobo lee Dowlada Goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ku tiirsan yahay waxsoo saarka xooga ama muruq maalka dadka beeraleyda ah, kuwaasi intooda u badan yihiin beeroley

Dhinaca kale, dadka Soomaalidu waxay aad ugu tiirsan yihiin dhaqashada xoolaha nool, kuwaasi oo si toosan ugu xiran waxsoo saarka beeraha wadanka.

TAARIIKHDA BEERASHADA SHABEELADDA HOOSE

Beerashad iyo beerida beeraha Shabeeladda Hoose  waxay soo martay marxalado kala duwan oo leh taariikh badan oo is dhaxlaysay mudo kabadan 3000 kun oo qarni waxaa lashega inkastoo aanan si sax loo hayn taarikhda ay sobilaabaty beerashada dhulk Somalia Xiligii casrigii fogaa ee dhulka

Balse marka dib loo eego taarikhda hore ayaa waxaa ay sheegeysaa in bayac mushtar xaga dalaga masaaridiin hore Wixii kahoreeyey waqtigii isticmaarka beerashadu waxay ahyd mid aad uxadidan labada daamood ee wabiyada juba iyo shabeele waxaa joogay gumaystihii taliyaaniga Dalagyadii uu ku beeri jiray oo uu kasoo saari jiray waxaakamid ahaa • Mooska • Canbaha • Canabka • Qaraha • Iyo sidoo kale suufka Wixii kadanbeeyey gobonimadii ilaa bur burkii dowladi dhexe ee 1960-1991 Xiligii gobonimada kadib beerahaha sifiican ayaa loogu baraarugay waxaana xiligaas jiray jihayn dadka lagu jiheeyey wax beerashada ayadoo beeruhuna ay noqdeen shaqa abuurada ugu muhiimsan ee laf dhabarta dhaqaalaha ee dalka Mudo kadib xornimadii intii udhaxaysay 1970 ilaa 1991 isku filnaansho wax soo saarka ah ayuu dalku gaaray iyadoona dalal AFRICA iyo YURUBA ah wax looga dhoofin jiray dalka taasoo lacag adagna ay kasoo gali jirtay dalka Somalia aydoo ay doorka wacyi galinta ee ay dawladu waday ay qayb ka ahayen fananiinti dalka oo heeso kala duwan uqaaday waxaa kamid ahaa Baahida aan reebno shicibyahaw aan beera falano Qiyaas lasameeyey 1985 dhulka ku haboon beerashada waxuu ahaa 8M oo higtar isla xiligaas dawlada Somalia waxay beeratay 1M oo higtar Badka dhulka soomalia eeku haboon beerashada waa 13% dhulka Somalia Laakin badkaas intaas le’eg lagma faa idaysan oo safiican looma beeran marka laga reebo 1M oo ay beeraty dowladu waana xadi aad uyar Waqtiga hada lajoogo 0.25% madhama xata dhulkii aadka uyaraa ee 1M oo higter ahaa Nooc yada kala duwan ee somalidu wax ubeerato Soomaalidu laba nooc ama qaab ayey wax ubeertan oo kala ah 1. GACAN WARAAB 2. ROOB FALATO

Gobolka dihan ee dalaga  waxsoosaarka beeraha caanka ku ah ee shabeeladda Hoose

Gobolkaan  waxa ku nool beeralayda gacan warabka ah kuwa xili kasta oo sanadka ah wax beeran kara oo waxa ay haystaan wabiga  shabeele

Wabigaan  ayaana qayb wayn kaqaatay waxsoosaarka gobolka waxaana ku tiirsan badi beeralayda gobolka shabeeladda Hoose  iyo koonfurta dalka Inkastoo markii ay dhacday dawladii dhexe ee dalka ay caqabado kala duwan ay soo food saartay dalag yadii wabiyadaas oo xiliyada dirrcdana biyo yareeya xiliyada guga iyo dayrtana fatahaado dhaliya oo khasaaro bur bur caro qaadid ah ku keena beerahaas laakin waxaa kabadan faa’idada lagu qabo Sido kale waxaa gacan waraabka waaydan danbe aad ugu soo badanayey Gobolka ay soo fahmasay qodida ceelal ay ugu tala galeen beeraha taaso ad usii yaranaysay beeralaydii ROOB FALATADA

Miraha iyo dalaga ay beeraleyda Gobolka shabeelada Hoose caan ku yihiin waxa  ka mid ah • Mooska • Canbaha • Babayga • Qaraha • Batiiqa • Liin dhanaanta, macaanta • Rumaanka • Canabka • Kabsarta • Baradhada • Yaan yada • Basasha • Bocorka • Masagada • Galayda • Qamadiga\sareenka • Salbuugada\digirta Iyo in kale oo aad u badan

MASAGADA ama HADHUUDHKA

Waxan ku soo qaadaneynaa  MASAGADA ama HADHUUDHKA oo ka mid ah dalagyadda ay caanka ku yihiin bulshadda ku nool Sedexda Gobol ee KGS waana:

Masagada Ama Hadhuudhka waa nuuc kamida dhirta ubaxyada ee ku jira qoyska (Cowska) ee loo yaqaano  poeceae oo ey ku jiraan ilaa 25nuuc.

Mid kamida Nuucyadan (Sorghum bicolor) ayaa asal ahaan kasoo jeeda qaaradeena AFRICA.

Marka loo yimaado dhulka SOOMALIDA wuuka bixi karaa gabi ahaan hadii uu helo biyo kufilan iyo caro san intaba wuxuuna kamid yahay dalagyada aadka looga beerto deegaanada Maamulka dowlad Goboleedak KGS ee noogu jira kaalimaha fiican cunadeena malin lahaa sidoo kale markaan ka gurano miraha geedka intiisa kale waxaa cuna xoolaha nuucyadooda kala duwan.

CUDURADA_SAAMEYA

Cudurada ugu badan eeku dhaca masagada waxaa sababa (FUNGI AND FUNGUS)  cudurada ey ku sababan waxa kamida

..Gharcoal_oo ku dhaca xididka

..Gray_oo ku dhaca caleenta geedka

..Anthracnose_ oo isaga saameya caleenta iyo jirida geeda .

Dhamaantood waxaad ku cantroli kartaa dalagyada inaad kala wareejiyo oo aad laba fasal oo isku xiga aadan ku abuurin beerta dalag isku family ah.

MASAGASA ama HADHUUDHKA wuxuu ka kooban yahay nafaqo aad siyaabo badan u adeegsan karto.

Waxay hodan ku tahay fiitamiinnada iyo macdanta sida fiitamiinnada B, magnesium, potassium, fosfooraska, iyo zinc.  Sidoo kale waa isha ugu fiican ee fiber, antioxidants, iyo protein.

Waxsoosaarka Beerashada Gobolka Shabeeladda Hoose Iyo doorka Gudoomiye Najah ku lahaa.

Gudoomiyaha Gobolka shabeeladda Hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah waxa uu kulahaa door weyn oo dhinaca dhiirigelinta ah waxaana uu mar walba uu dhiiri gelin jiray wax soosaarka Gobolka iyo sidii Beeraleyda Gobolka sare loogu qaadi lahaa aqoontooda wax soosaarka ah dhanka beeraah ah .

Gudoomiye Najah ayaa waxaa uu tiro dhowr jeer ah waxa uu deegano badan oo ka mid ah jiinka wabiga oo fatahaado ka dhashay uu u sameeyay biyo xireeno kala duwan si ay ugu sahlanaato beeralaeyda in ay beertaan beerahooda

Waxa kale oo lagu xasustaa doorkii hagar la’aanedy ee uu ka qaatay siinta qalab iyo abuur ay beertaan beeraleyda Gobolka si loo dhiir geliyo wax soosaarka gobolka

Maamulka Gobolka  shabeeladda Hoose oo uu hormuudka u ahaa Gudoomiye Hon Ibrahim Adan Ali Najah  ayaa waxa uu tiro dhowr jeer ah ka qeyb qaatan taageeridda Beeralleyda Gobolka .

Gudoomiye Najah ayaa waxa uu deeganka ka xureeyay kana sifeeyay  nabad diidka Al-shabab oo dhibaato kala duwan ku hayay kana qaadan jiray baad shacabka beeraleyda ah kuwaasi oo dib u dhac u keeni jiray wax soosaarka beeraha waxana  mudadii uu Gudoomiye Najah Maamulayay gobolka  lagu guuleytsay in laga xureeyo Maleeshiyadda  oo lacag baad ah ka qaadi jirtay wax soosaarak beeraha

Dadka beeraleyda waxa ay Helen suuq iyo wadooyin ay soo marsiistaan wax sooaarkooda dhanka beeraha taaso dhiiri gelin u noqotay wax beerashada .

Gabagabo 

waxsoosaarka gobolka kaliya kuma eka mesagadda basle waxa uu leeyahay kheerad badan oo caan ku yahay gobolak waxaan maalinba malain ka soo qaadan doonan qeyb ka mid ah waxsoosaarkaasi si aan bulshada u barno kheyraadka Alle ku maneystay Gobolka shabeladda Hoose