Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha degmada Shibis u magacaabay, Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali).
Digreeto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa lagu faray guddoomiyaha cusub inuu si deg-deg ah xil-ka ula wareego.
Sidoo kale waxaa laga dalbaday hay’adaha amniga inay si u dhow ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Shibis ee gobolka Banaadir.
Cali Soomaali ayaa ahaa Wariye caan ah, wuxuuna horey uga soo shaqeeyey Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.