Wariye Maanta la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida

127

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay bilaawday dhageysiga dacwadda loo heysto Wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja oo muddo dhowr bilood ah si sharci darro ah ugu xiran Dowladda Soomaaliya.

Goobta Maxkamadeynta ayaa waxaa ku sugnaa Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cabduwahaab Cabdullaahi, Xoghayaha Ururka SJS Cabdalla Axmed Muumin iyo Waalidiinta Wariye Abuuja.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Go’aanka Maxkamadda ay dib ka soo shaacin doonaan.

Wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja oo ah Tifaftiraha Idaacadda Hiigsi ee Magaalada Muqdisho ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya  War kasoo baxay 22-kii Bishii April ee Sanadkan waxaa ay ku sheegtay in loo heysto kiis la xiriira in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab kana qeyb qaatay dil ka dhacay Muqdisho.