Wariyeyaal caan ah oo maanta lagu xiray magaalada Garoowe

39

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta xabsiga u taxaabay laba wariye oo ka mid ah suxufiyinta ka howl-gala deegaanada maamulkaasi.

Labada Wariye ee la xiray ayaa kala ah agaasimaha Radio Daljir, Khadar Awl iyo Wariye Cabdiqani Fantastic oo isna ka howl-gala isla Idaacaddaasi.

Weriyayashaan ayaa maanta waxa ay tageen xarunta maxkamada gobolka Nugaal, si ay u ogaadaan eedeymo loo heyto, balse xabsiga ayaa la dhigay.

Ma cadda illaa iyo hadda dacwadda loo heystay suxufiyintaasi, iyadoona xarigooda uu sharci darro ku tilmaamay maamula Radio Daljir ee magaalada Garoowe.