Warta Degmada Boondheere Oo Ku Fatahday Xaafado Ka Mid Ah Degmada

21

Biya qabadka Warta degmada Boondheere oo buuxdhaaftay ayaa sababtay in biyuhu gudaha u galaan xaafadaha ka agdhaw. Warta  Boondheere

Roobabkii ka da’ayay todbaadyaddan  magaalada Muqdisho ayaa sababay fatahaad ay sameyeen bulaacadaha ku yaala magaalada Muqdisho, gaar ahaan bulaacadda Warta Boondheere ee Gobolka Banaadir  oo ku fatahday qaar ka mid ah xaafadaha Degmada Boondheere, taasi oo saameyn ku yeelatay nolosha iyo caafimaadka dadka danta yar  ee ku nool Degmada Boondheere

Bulaacadan ku taala Degmada Boondheere oo buux dhaaftay ayaa keentay in xaafado qaar ay go’doon galaan oo dadka deegaanka ay ka cabanayaan biyaha ka yimid bulacaadda inay go’doomiyeen, waxaana maamulka Degmada Boondheere oo kaashanaya kan Gobolka Banaadir ay ku xireen warta matoor loogu tala galay in uu ka saaro biyaha ku jira, iyadoo ay xiran yihiin ilaha biyo mareenada ee horay badda ugu shubi jiray.

Qaar ka mid ah dadka ku nool Degmaad Boondheere oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan biyaha wasaqda ah ee ka imaanaya Warta Boondheere.

Xafadaha ka agdhaw warta ayaa waxa u galay biyaha oo xadkooda dhaafay waxana gebi ahan go’aan qoysasbadan halka kuwa kale ay ka barakaceyn guryahooda .