Wasaarada duulista iyo hawada dowladda Koonfur Galbeed oo magacaawday Maareeye Garoon diyaaradeed

15

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) ayaa Maareeye Cusub u magacaabey Garoonka diyaaradaha degmada Qansax-dheere.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Xasan Xuseen ayaa waxaa xilka cusub ee Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Qansax-dheere ee Gobolka Baay loogu magacaabay inuu noqdo Siraaji Xasan Cabdi.

Sababta keentay magacaabista Maareeyaha ayaa waxaa lagu sheegay inay tabay baahi loo qabo in la helo Maareeye Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Koonfur Galbeed u qaabilsan Qansax-dheere.