Wasaarada Shaqada Koonfur Galbeed Oo Hal Maalin Fasaxday Shaqaalaha Maamulkaasi

40

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowlad goboleed iyo guud ahaan shaqaalaha hay’daha kala duwan ee Koonfur Galbeed ay fasax yihiin maalinta khamiista oo taariikhu ku beegantahay 20/August 2020 sababo la xiriira sanadka cusub ee Hijiriyada.

Dhamaan hay’adaha kala duwan ee koonfur Galbeed ayaa lagu wargeliyay qoraalkaasi ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee maamulka Koonfur Galbeed.