Sawirro+Wasaaradda Amniga KGS oo ku dhawaaqday howlgal waddo furis ah

81

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo arbaco ah lagu qabtay Shirka Golaha amniga oo Todobaadkan looga hadlay arrimo kala duwan.

Shirka oo ay goobjoog ka ahaayeen Saraakiil ka socotay Dowlada UK oo taageero dhanka Amniga ah siisa Koonfur Galbeed,Amisom iyo Taliyaasha Booliska iyo Mileteriga ayaa lagu go’aamiyay in la qado howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Kulanka  ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Xaaladdaha amniga guud ee dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMSIOM ka fuliyeen deegaanada Maamulkaas.

Sidoo kale  Shirka ayaa waxaa looga hadlay Xaaladaha Amaan ee kajira degaanada Maamulak Koonfur Galbeed iyo u diyaar garowga howlgalo lagu furaayo Wadooyinka u go’doonsan Al-Shabaab ee Gobolada, Baay, Bakool & Shabeellaha Hoose.

Ugu damebyntii Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Isaag Cali Subag ayaa saraakiisha Ciidamada kala duwan la wadaagay in Amniga degaannada Koonfur Galbeed uu yahay mid wanaagsan, sidoo kalena Ciidamada Dowladda, Ciidamada Koonfur Galbeed & kuwa AMISOM ay wadaan howlgallo kala duwan.

Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro qaraxyo ah iyo dagaal dhex-mara Ciidamada Dowladda oo taageero ka helaya kuwa AMISOM  & uruurka Al-Shabaab.