Wasaaradda arrimaha gudaha KG oo ka qeyb-gashay kulan muhiim ah +Sawirro

21

Xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb-galay kulan muhiim ah oo lagu soo bandhigayay mashruuc ku aadan xasilinta (Daryeel Stabilisation Program), kaas oo ay sidoo kale goob-joog ahaayeen agaasimayaasha wasaaradaha arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada kale ee dalka.

Sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed oo ku qornaa Luqadaha Somaliga iyo Englisha ayaa lagu faah-faahiyey kulankaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

Wasaarada Arimaha Gudaha #KGS ayaa ka qeeb gashay kulan hordhac iyo soo bandhigid ku aadan Mashruuca Xasilinta (Daryeel Stabilisation Program). Kulanka waxaa kasoo qeeb galay dhamaan Agaasimiyaasha Wasaaradaha Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada.

Shirka waxaa daadihinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha ee DFS.

#MoI_swss participated technical introductory session on Daryeel three year Stabilization Program,chaired by #MoIFARSomalia and planned to be kicked-off officially in due time. The Meeting attended by all DGs from #MoI_FMS along with #MoIFAR. Thanks to @IOM_Somalia for the support.