Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta KGS oo u Hambalyeysay Shacabka somalia

34

Warsaxaafadeed la soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa loogu hambalyeyay dhamaan Umadda Islaamka gaara ahaan Shacabka reer KGS, Maalinka dhalashada Suubanaheena Muxammad Naxariis iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee, oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 12ka Mowlid 1442 / dhanka kale was 29ka Oktoobar 2020.

Warka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri “Nabi Muxammad naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee, waxa uu ahaa iftiinkii dunida ka saaray mugdiga iyo jahliga, waxa uu na baray akhlaaqda ugu wanaagsan oo ku dhisan is ixtiraam, u naxariisashada dad iyo duunyo iyo nabad ku wada noolaashaha bulshada dhexdeeda ah”

Dhinaca kale waxaa lagu cambaareyay ficilada xun xun ee ka dhacayo dunida taaso ah wax aad looga xumaado in lagu xadgudbo Nabi Muxamad Naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee, ayadoo lagu marmarsiyoonayo xoriyada hadalka.

Sidoo kale wasaarada ayaa waxaa ay ugu baaqday dhamaan Umadda Muslimiinta ah inay ka dhiidhiyaan isku day walba oo lagu waxyeeleynayo sharafka iyo karaamada diinta Islaamka oo uu ugu horeeyo suubanaheena Muxammad naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee.

Gabagada hadalka wasaarada ayaa Waxaa kaloo ugu baaqday bulshada Muslimiinta ah gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed in ay midoowaan oo ay xaliyaan khilaafaadka yar yar ee dhexdooda ah, isuna kaashadaan faafinta wanaaga iyo dhaqanka suuban sida ay na fareyso diinteena Islaamka.

Maanta ayaa waxaa dalka Soomaaliya iyo caalamka ka dhacayo munaasabado lagu weyneynaayo Nabigeena Maxamed NNKH.