Wasaaradda Caafimaadka Oo bandhigtay Dad Cusub Oo Ka Bogsaday Cudurka COVID-19

45

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay dad farabadan oo ka bogsaday Cudurka halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo uu horey ugu dhacay.

Siihayaha Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelan karo Cudurkaan .

Warbixin qoraal ah oo  ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 5 maalin ee lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 laga  baaray 3,464 qof, isla markaana 119 ruux kamid ah dadkaas laga helay Cudurka, waxaana ka bogsaday 79 Ruux.

Warka  ka soo baxay  Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Federalka  ayaa  shaacisay in Somaliland 18 kiis laga diiwaan-geliyay, Puntland 99 qof, iyo Gobolka Banaadir 2 qof, Bukaannada cusub 83  ka mid ah waa rag 34-na waa dumar, maalmihii lasoo dhaafay  ma jirin wax bukaan ah oo u u geeriyooday Cudurka.

Ugu dambeyn Tirada guud dadka uu ku dhacay COVID-19 ee Soomaaliya ayaa gaartay 3,864 qof, waxaana ka bogsaday 3,089 qof uu ku dhacay Cudurka, isla markaana waxaa guud ahaan dalka Soomaaliya Cudurka ugu dhintay 99 qof.

Bilihii la soo dhaafay aayaa waxa hoos u dhac ku yimid  dadka uu soo ridanyo cudurkaan halista badan e Covid19  ee gudaha dalak marka la barbardhigo bilihii hore iyadoo tirade maanta ay wasaaradda ay shaacisay ay tahay mid aad uga yar bilihii hore .