Wasaaradda Caafimaadka Oo Qalabka Lagu Baaro COVID-19 Geysay Galmudug

28

Wasaaradda caafimaadka Galmudug ayaa wasaaradda caafimaadka XFS iyo hey’adda WHO kala wareegtay agab caafimaad oo isugu jira kuwa looga hor tagayo iyo qalabka lagu baaro safmarka COVID-19.

Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Galmudug ayaa sheegay in agabkan la gaarsiin doono dhammaan isbitaalada maamulka, isagoo u mahad celiyay dowladda federaalka iyo WHO sida deg deg ah oo ay uga jawaabeen codsigii ay u dirsadeen kal hore.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalada lagu xakameynayo cudurka coronavirus oo haddda ku soo labo kacleeyay dalka.