Wasaaradda caafimaadka oo shaacisay inay dad badan ka bogsadeen Covid-19

47

Marwo Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 38 qof oo cusub, taasi oo ah tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 2,481.

Wasiirada ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 12 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Puntland 4 iyo Jubbaland 2, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,275.

Sidoo kale Bukaannada cusub 5 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jiro qof u geeriyooday Cudurka, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareyso 93 qof.

Ugu dambeyn Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo ka hortagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka uu saameeyey cudurka faafa ee Covid-19 oo dunida oo idil aafeeyey, kadib markii uu ka soo billowday dalka Shiinaha.