Wasaaradda Diinta iyo awqaafta KGS oo Waddo u Diyaar Garowga Munaasabadda Bisha Mowliid

47

Wasiirka Wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane, Saalax shariif Siidkey  ayaa waxa uu ka hadlay sida ay ugu diyaar garoobeyn  kan wasaarad ahaan Weyneynta bilashada bisha Mowliid ee Ku aadan Maalinta Axada ah iyo Ka sheekeynta Taariikhda Nabigeena Muxammad Caleyh Salaatu wasalaam.

Wasiir Saalax Shariif ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan Diyaar garowgii ugu weynaa oo lagu weyneynayo Maalintaasi oo  ah maalin ku weyn ummada muslimiinta

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane, Saalax shariif Siidkey  ayaa waxa uu ka hadlay Dhalinyarada Lagu qalday diinta walina lagu qaldaayo kuwaasi uu ku tilmamay in ay wax ka qabateyn in badan, haddana  wasaaradda owqaafta uga qorsheysantahy inay ay sii waddo wacyi gelinta Dhalinyaradda la sii qaldaayo kuwaasi oo uu sheegay in badan oo ka mid ah ay ka soo laabteen fikirkii xag jirka ahaa isla markana hadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay isku soo dhiibeen waxana uu sheegay in ay dhaqan celin u sameeyeen .

Dhinaca kale Wasiir Saalax Shariif ayaa waxa uu sheegay in ay waddaan qorsho  Khudbadaha iyo duruusta laga jeedinayo masaajida ku yaal deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay noqon doonaan kuwa si qoto dheer uga hadlaya arrimaha diinta oo bulshada looga wacyi gelinayo fikirka Takfiriga iyo Xagjirnimada uga digayo sidoo kale waxa uu tilmaamay in qorsha ugu jirto in ay  Waqtiyeyan  Aadanka Masaajidada KGS  oo hal waqti  ama hal xili  laga wada Adaami doono.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa waxa uu soo hadal qaaday in wasaaradiisu ay wax badan ka qabaty arrimaha cadaalada iyo garsoorka deegaanada  Maamulka bulshada  reer Koonfur Galbeed ay weligood ahayan bulsho laga soo doonan jiray Cilmiga diinta , balse waxa uu sheegay in koox yar oo si qaladan diinta u fahantay ay qaldayaan kuwaasina Gacan bir ah lagu qaban doono mustqabalka dhow.