Wasaaradda Shaqada oo Kulan Muhiim ah ku Qabatay Muqdisho.

33

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa Galabta shir guddoomiyey shir muhiim ah oo  is xog-wareysi ah.

Shirkaan ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta Qorshe howleedyada Qeebaha Wasaaradda  ee sannadkan  iyo qodobbadii ugu muhiimsanaa ee ka hirgalay,sanadkii hore, waxaa xoga la saaray sidii loo dardargelin lahaa arrimaha wali dhimman.

Wasiir Duraan, ayaa ku bogaadiyey Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda shaqadda muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, isaga oo na faray in si dhaqso ah loo gudo-galo diyaarinta qorshe howleedka Wasaaradda muddada sagaashka maalmood ah ee soo socda.

Wasiirka ayaa shegay arrimaha muhiimka ee hor-tebinta u leh oo ay ugu muhiimsan yihiin xoojinta dadaallada shaqo abuurka , xirfadaha,horumarinta bulshada, la-dagaallanka saboolnimada,

Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda , Cabdi Axmed Qasim ,Wasiir kuxigeenka,Marwo Sahro Xaaji Xuseen  iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi & xubna kale.

Shirka ayaa waxa uu ahaa midkii ugu horeyey ee uu wasiirka cusub laqaato holwaddeena wasaaradiisa.