Wasaaradda Shaqada XFS oo qiimeyneysa habsami u socodka Barnaamijka Baxnaano

24

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo gaaray magaalda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisu yahay qiimeynta  barnaamijka Baxnaano oo dowladda Soomaaliya ugu talo gashay in lagu taageero muwaadiniinta nugul ee danyarta ah.

“Waxaan gaaray magaalada Baydhabo anniga iyo wafdi ka socda Wasaaradda, ujeeddada socdaalka waxay la xiriirtay qiimeynta Barnaamijka Baxnaano ka fikir ahaan ka yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo, wuxuu si isku mid ah ugu socdaa dhammaan Dowlad-gobolleedyada Dalka”ayuu yiri wasiir Sadiiq.

Wasiir Sadiiq ayaa xusay in dowladda Soomaaliya taageero dhaqaale oo soo kabasho ah siineyso muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsaday qeybo ka mid ah dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in barnaamijka Baxnaano ee lagu taageerayo dadka danyarta ah uu ka socdo dhammaan dowlad goboleedyada dalka,waxaana barnaamijkaasi la daahfuray 18 bishii April ee sannadkan 2020ka