Wasarada Amniga Somalia oo ugu baqdey shacabka somaliyeed in ay la shaqeyaan Ciidanka amaanka.

27

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Xasan Xundubey Jimcaale oo maanta ka hadlayay Shirki Banbaxa Golaha wasiiradda ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaiga  amniga dowladda ee u taagan sugida amniga Caasimadda.

Wasiir Xundubey oo soo hadal qaaday howlaha shaqo ee Ciidanka amniga ayaa Ciidanka amniga ku tilmaamay inay yihiin kuwa Mujaahidiin ah  oo Jihaad ku Jira, isla markaana u taagan difaaca shacabka iyo qaranimadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale  Wasiir Xasan Xundubey faray Ciidanka amniga inay sii laba jibaaran shaqada sugida amniga Magaalada Muqdisho oo mararka qaarkood ay ka dhacaan falal amni darro, ayna geystaan Al-shabaab.

Ugu dambeyn Wasiir Xundubey ayaa shacabka kunool Gobolka Banaadir ugu baaqay inay wadashaqeyn la yeeshaan laamaha amniga dowladda Federaalka, ayna garab siiyaan si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro.

Mudooyinkii ugu dambeyey ayaa ciidaamada amaanka  waxaa ay wadeen howlo lagu sugayo  amaanka Magalada