WASIIR BEYLE OO LA SHIRAY BANGIGA ADDUUNKA IYO BANGIGA HORUMARINTA AFRIKA

11

Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta khadka aalada fogaan araga ah ee ZOOM-ka uga qeyb galay shirar ay qabteen Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Shirarka ayaa waxaa looga hadlay howlaha isbadalka Maaliyadda oo wali socda  iyo barnaamijyada muhiimka ah ee Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ka caawinayaan dowladda Federaalka.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in guushii dowladda ka gaartay deyn Cafinta ay shacabka Soomaaliyeed u furtay waddooyinka badan oo horseeday horumar balaaran.

Sidoo kale Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Qoraalkiisa intaas kusii daray “Guushii deyn Cafinta waxa ay ummadda Soomaaliyeed u furtay waddooyin badan oo inoo horseeday faa’iido iyo horumar balaaran”.

Wasiir Beyle ayaa dhawaan sheegay in dowladda Federaalka ay dhaqaale xumidii ugu darneyd ay soo wajahday, isla markaana laga joojiyay dhaqaalihii uga imaan jiray dhinaca Beesha Caalamka, wixii ka dambeeyay Bishii Ogoosto ee sanadkii 2020.