Wasiir Beyle oo Qeybgaly Shir Looga Hadlayo Arrimaha Maaliyadda Somalia

6

Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka oo looga hadlayay isbadalka dhaqaalaha iyo saameynta COVID-19.

Shirkan ayaa waxa uu u dhacay qaabka fogaan aragga ee Zoomka

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay  in madaxda shirka uu la wadaagay isbadalka maaliyadeed ee dalka iyo saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha caalamka gaar ahaan  wadanka Soomaaliya.

Wasiir  Beyle ayaa yrir  “Waxa aan u mahadcelinayaa Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Afrika Hafez Ghanem oo shirka nagala soo  qeybgalay iyo taageerada Bangiga ee Soomaaliya”.

Ugu damebyntii Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxa uu sheegay in shirkaasi lagu lafa guray isbadalka Maaliyadda, Dhameystirka qorshayaasha lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo saameynta Coronavirus ee Soomaaliya ee dhanka dhaqaalaha .