WASIIR DUBBE: GO’AANKA MIDOWGA AFRIKA WUXU DHAAWAC KU YAHAY QABKA CIIDAMADA SOOMAALIYA

15

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sharci-darro ku tilmaantay go’aan ka soo baxay Midowga Afrika, oo ku saabsan in Ciidamada AMISOM la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidamada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin go’aankaas.

Wasiir Dubbe, wuxu sheegay in arrintaas ay dhaawac ku tahay Qabka iyo Sharafta Ciidamada Soomaaliya, islamarkaana aysan ku jirin waajibaadka AMISOM in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidamada dalka.

Sidoo kale, wuxu cambaareeyay dalalka Jabuuti iyo Kenya oo sida uu sheegay ka dambeeyay in go’aanka noocaas ah laga soo saaro Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika.