Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Maamulka dowlad Goboled Koonfur Galbed Soomaaliya ayaa kulan la qaatay dhalinyaradda ka soo jeeda KGS eek u sugan Magaalada Muqdisho
Wasiirka Ibrahim Adan Ali Njah ayaa waxa uu si gaar ah kulan is arag iyo kala warqaadasho ah u sameeyey dhalinka reer Koonfur Galbed kuwooda Ku sugan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Mudane Hon Ibrahim Adan Ali Njah oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu yiri:” Si aan u oggaaddo baahiyaha iyo culeysaadka heysta dhalinyarradda ka soo jeeda KGS ee ku sugan Muqdisho,ayaan caawa kulan is arag iyo kala warqaadasho ah u sameeyay qaar ka mid ah dhalinyarradda”.
Sidoo Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Maamulka dowlad Goboled Koonfur Galbed Soomaaliya ayaa waxa uu balan qaaday in kan wasiir ahaan in uu diyaar u yahay in ka shaqeeyo horumarinta iyo dhiirgelinta dhalinyaradda sis are loogu qaado hamigooda dhanka horumar ah mar uu arrimhaasi uu ka hadlay wasiir Najah ayaa waxa uu yiri” Waxaan diyaar u ahay innaan ka shaqeeyo hormarka iyo dhiiragelinta dhalinyarradda,waxaan joogteyn doonaa kulamada noocaan oo kale ah,innagoo dhalinyarradda ugu tagi doona Degmooyinka iyo deegaannadda ay ku sugan yihiin.”
Ugu dambeyntii dhalinyrada kulanka ka qeyb qaadatay aya adhankooda uga mahad celiyay doorka iyo dadaalak uuw asiirak mar walba uu la garab taaganyahay dhalinyaradda waxana ay dhankooda balanq aadeyn in ay la shaqeyndoonan si loo gaaro horumar waara iyo hiigsi fog
Kulamadan ayaa waxa ay noqon doonaan kuwa joogta ah si loo balaariyo xiririrka wada shaqeyned ee ka dhaxeeyo wasiirka iyo dhalinyaradda ka soo jeeda Goboladda deegaanada Koonfur Galbed Soomaaliya.