Wasiir ibarahim Adan Ali najah oo ka tacsiyadeeye gerida ku timid malaaq xasan shure

48

Ibrahim Adan Ali Najah wasiirka dhalan yaradda iyo ciyaaraha dowladda KGS ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, iyo qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna bulshada iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Malaaq marxuum xasan shure maxamud oo ku geeriyoodey magaalada Baydhabo.

Wasiir ibrahim Adan Ali Najah ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed ka soo gudbiyey marxaladihii adkaa, isaga oo door weyn ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada, xasilloonida, dib u heshiisiinta bulshada iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka nabadda ee xal u raadinta dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay.

Wasiir najah ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.