Wasiir Ka Tirsan Galmudug Oo Dhaawac Uu Kasoo Gaaray Weerar Ka Socda Elite Hotel

45

Wasiir Howlaha Guud Iyo Guryenta Galmudug Ahmed Washington ayaa dhaawac culus kasoo gaaray Qaraxa ka dhacay Hoteelka Elite ee Muqdisho iyo weerarka ka socda.

Waxaa sidoo kale gudaha Hoteelka Wali ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidanka Amniga iyo Kooxdii weerarka soo qaaday.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in khasaare badan uu ka dhashay Qaraxa, maadaama goobta uu ka dhacay ay maraayeen dad Shacab ah oo badan.