Wasiir ka tirsan Galmudug oo xilka qaadis lagu sameeyay iyo sababta keentay

38

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Galmudug.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Cali Daahir ayaa xilka looga qaaday Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), isagoo eedeyn loo jeediyay.

Wasiir Cabdi Waayeel ayaa lagu eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, isla markaana Go’aan lagu gaaray xilka qaadis lagu sameeyo Wasiirka, sida ku sheegtay Wareegtada.

Xil ka qaadistan Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Galmudug ayaa daba socota xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka Balanbale oo la isku qabsaday qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay.