Wasiir Ku-Xigeenka Macdanta Soomaaliya Oo Daah Furayo Dib U Dhiska Buundada Baardheere

38

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degmada Baardheere ayaa daah furaya dib u dhiska lagu sameynayo buundada degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Wasiir HIlaal oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa yiri “Waxaan soo gaarnay magaalada Baardheere oo aan u nimid inaan daah furno dib u dayactir lagu sameynayo Buunada magaalada, si dib u dayactir xoog leh loogu sameeyo, waxaana nala socda Senataro ka tirsan Golaha Aqalka Sare, Xildhibaanno Golaha Shacabka iyo injineero, si aan u kor joogteyno howlaha dib loogu dayactirayo buundada”.

Wasiir ku-xigeenka ayaaa xusay in qarashka ku baxaya dib u dhiska buundada ay bixineyso dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in kal hore ay jirtay shirkad ku guuleysatay qandaraaska dhismaha buundada balse ay ka soo bixi weysay waqtigii loogu talagalay inay bilaabaan dhismaha buundada, haatanna dib loogu wareejiyay gacanta maamulka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsaday inay ka qeyb qaataan dhismaha buundada, bulshada deegaankana looga baahanyahay inay ilaashadaan buundada marka uu dhamaado dib u dhiska.