Wasiir Najah oo ka Tacsiyeeyey geeridii kutimid alla ha unaxariistee Xildhibaan maxamed maxamuud

72

Wasiirka wasaaradda dhalan yaradda iyo ciyaaraha dowladda KGS oo ka tacsiyadeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonoow

Ibrahim Adan Ali Najah wasiirka wasaaradda dhalan yaradda iyo ciyaaraha dowladda KGS ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska,iyo qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed gar ahaan shacabka KG ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonoow oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo.

Wasiir Ibrahim Adan Ali Najah Ayaa xusay in doorween uu kasoo qaatay “Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Boonoow nabadda, dib iyo dib dhiska dowladnimada Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Ibrahim Adan Ali Najah ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.