Wasiir Najah oo u Mahad celiyay Taageerayashii shalay Soo bandhigay Xamaasada

26

Wasaarradda dhalinyarrada iyo cayaaraha koonfurgalbeed waxa ay u mahadcelineysaa dhamaan taagerayaashii shalay soo buuxiyay garoonka ENG-Yariisow Ex Koonis,ee u soo daawasha tagay ciyaarti aay wada  cayaareyn  xuallaka Jubbaland iyo Koonfur Galbed Soomaaliya oo uu Guusha ku raacday xulka KGS .

Wasiirka Wasaarradda dhalinyarrada iyo cayaaraha koonfurgalbeed hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxa uu aad ugu mahad celiyay dhamaan taagerayaashii shalay soo buuxiyay garoonka ENG-Yariisow Ex Koonis,waxana uu yiri “Dhiiragelinta ciyaaryahanadda, Xamaasadda iyo garab istaagiina ayaa qeyb lixaad-leh ka qadatay Guusheenna,waxaa innoo ballan ah inaan kulankeenna xiga aan sii kordhinno taagerrida xulkeenna”.

Shalay galab ayaa Kooxda kubadda Cagta Maamulka Konfur Galbeed Soomalia waxa ay soo bandhigeen Ciyaar wanaag oo daawa shadeeda aan laga caajisin waxana guusha  galabta ay gaareen qeyb weyn ku laha gool hayaha  koxda oo muujiyay karti iyo ad adeeg weyn

Ugu dambeyntii mudane  Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxa uu sheegay in  Koobkan  ugu dabaal deggi doonaan  Magaaladda Baydhabo haduu Alle idmo.