Wasiir warfaafint KGS oo kulan la qaatay mas’uuliyiin Mareykan ah.

23

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Kulan kula qaatay Xarunta Xalane Mas’uuliyiin ka tirsan Safaarada Mareykanka.

Wasiir Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) ayaa maanta kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Safaarada Mareykanka, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada arrinsaday hirgelinta waxyaabo badan oo lagu horumarinayo Wasaarada Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu danbeyn kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha guud ee Wasaarada iyo Lataliyaha Wasaarada ayaa waxa uu kusoo idlaaday jawi heer sare ah.