Wasiir warfaafinta KGS oo la Kulmay sawir qaadayaasha Madaxbanaan ee Beydhabo

32

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ilyaas Saciid Cali “Qalinle” ayaa maanta kulan kula qaatay Xaruunta Wasaaradda qaar ka mid ah Sawir-qaadayaasha madax-bannaan ee ka howlgala magaalada Baydhaba.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasime Waaxeedka Maamulka iyo Maaliyada Wasaaradda Warfaafinta KGS, Cabdalla Cali.

kulankaani intii uu socday ayaa  la isku dhaafsaday fikirro ku saabsan sida ugu wanaagsan oo ay wada-shaqeyni u dhex-mari lahayd Sawir-qaadiyaasha madax-bannaan iyo madaxda Wasaaradda Warfaafinta.

Si kastaba, kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dhex-mara Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Sawir-qaadiyaasha ka howlgasha magaalada Baydhaba.