Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo ka tirsan soomaliland ayaa waxaa ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Beeraha iyo Waraabka Puntland Cabdi Ismaaciil Boos
Cabdi Ismaacill Boos ayaa xalay isagoo aad u xanuunsan laga qaaday magaaalada Garowe, iyadoo xaalad caafimaad loogu waday Hargeysa.
Allaha u naxariistee Marxuum Cabdi Ismaaciil Boos ayaa Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka dowlad Goboleedka Puntland uu ahaa 2014-2015, isla markaana waxaa xusid mudan inuu soo mar soo noqday Guddoomiyihii hore ee Bangiga Puntland.