Wasiirka Amniga Galmudug Oo Ka Hadlay Madaxweynayaasha Ciidamada La Tegay Dhuusamareeb

42

Waxaa magaalada Dhuusamareeb gaaray madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada dalka ka jira si ay uga qeybgalaan shirka lagu wado in uu ka furmo halkaas oo looga hadlayo arrimo kala duwan oo la xiriira siyaasadda dalka.

Waxaa goor sii horeysay magaalada Dhuusamareeb gaaray madaxweyneyaasha maamulada Puntland,Jubbaland,Koonfurgalbeed,iyo Hirshabeelle iyada oo si diiran loogusoo dhaweeyay magaalada oo siyaabo kala gooni gooni ah ay gaareen.

Shirkan oo la filayo in looga wadahadlo arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya iyo xaaladda kalaguurka siyaasadeed ee dalka ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka furmo magaalada Dhuusamreeb gaar ahaan marka ay is arag guud ay yeeshaan madaxda ka qeybgelaysa.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana jirta in madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Jubbaland iyo Puntland ay la tageen ciidamo ilaalo u ah oo fara badan kuwaas oo magaalada kagasoo horeeyay.

Wasiirka amniga ee Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay BBC u sheegay in amniga magaalada la adkeeyay isla markaana ay sugayaan ciidammada dowladda iyo kuwo Galmudug.

“Amniga boqolkiiba waa boqol, ciidammada ammaanka ee Galmudug, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed intuba waxay runtii ku dadaaleen inay iska xil saaraan howlaha amniga shirka wadatashiga ee dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka”

“Shir kasta oo dhacaya dee madaxweyneyaashu xitaa marka ay Xamar marka ay imaanayaan ciidammo gaar ah wey wadan jireen weyna qaadan jireen marka wax gaar ah In madaxweyne walbo dadka qaabilsan amnigiisa uu soo wato qeyb kalsoonida kamid ah weeye, sidaas oo ay tahay Galmudug wey ku filantahay in guud ahaan ay amniga dhowrto” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.