Wasiirka Amniga Galmudug Oo Ka Qeyb Galay Kulan Looga Hadlay Amniga

39


Kulan muhiim oo looga hadlayo amniga Magaalada Gadoon iyo deegaanada ku teedsan ayaa dhexmaray wasiirka amniga Galmudug, wasiiru Dawlaha wasaaradda caafimaadka, taliyaasha ciidamada qalabka sida iyo waxgaradka magaalada Gadoon.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, iyo baahiyada kale ee deeganadaas ka jira, waxaana dhanka kale wasiirka Amnigu sharraxaad ka bixiyey qorshaha amniga Galmudugta cusub iyo kan dib u xoraynta deegaanada gacanta ugu jira Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galmudug ay bilaabo doonto howlgallo degaannada Galmudug looga saarayo Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab.