Wasiirka amniga HirShabelle oo war cusub ka soo saaray dilka wasiir Karaani

27

Wasiirka amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo la hadlay VOA ayaa sheegay in baaris Hay’adaha amniga maamulkaasi ku wadaan 5-ruux oo ku eedeysan dilka Wasiirkii Beeraha Hir-Shabeelle Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar Muxumed Karaani oo Jowhar lagu dilay 17-kii bishaan.

Wasiir Maxamed ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay ku wargeliyeen in meel wanaagsan ay u mareyso baarista ay wadaan, maadaama xiligii uu dilka dhacay ay horay ka tageen ciidamada xaafadda Kulmis.

Maxamed Cabdiraxmaan Khayre Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in la helo dadkii ka dambeeyay dilka Wasiir Karaani.

“Hay’adaha ammaanka markii dilka uu dhacay waxa ay tageen goobta, iyaga oo gacanta ku dhigay 5-ruux oo la tuhmayo, waxaana ku socota baarista oo heer gaba-gabo ah mareyso, rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in gacanta lagu soo dhigo dhagar-qabayaashii dilay Wasiir Karaani oo todobaad kayar magacawnaa” ayuu yiri Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle.https://googleads.g.doubleclick.net/pagead/ads?client=ca-pub-5485553666531996&output=html&h=280&adk=3141005381&adf=2998127997&w=696&fwrn=4&fwrnh=100&lmt=1598162290&num_ads=1&rafmt=1&armr=3&sem=mc&pwprc=9071528746&psa=1&guci=2.2.0.0.2.2.0.0&ad_type=text_image&format=696×280&url=https%3A%2F%2Fwww.mustaqbalradio.net%2Fwasiirka-amniga-hir-shabeelle-oo-sheegay-in-gaba-gabo-ay-mareyso-baaris-dad-u-xiran-dilkii-wasiirkii-beeraha-maamulkaas%2F&flash=0&fwr=0&pra=3&rh=174&rw=696&rpe=1&resp_fmts=3&wgl=1&fa=27&adsid=ChAI8ISD-gUQqJOw0_zCh6lQEi8A5HJrQRXOCfyUl0vIOiIMRFMdUT5Ltli6IWgRqWPoS0PlamxHEwH6fxDMqZ9Jtg&dt=1598162290330&bpp=55&bdt=8654&idt=-M&shv=r20200818&cbv=r20190131&ptt=9&saldr=aa&abxe=1&cookie=ID%3Db799807283cab23d-22b71c74e6a500af%3AT%3D1597209956%3ART%3D1597209956%3AS%3DALNI_MalNrD5HX-XX0NLoNucbzEBOqypSQ&prev_fmts=728×90%2C468x60%2C468x60%2C468x60%2C0x0&nras=2&correlator=7211304838401&frm=20&pv=1&ga_vid=252079407.1564639754&ga_sid=1598162286&ga_hid=878268862&ga_fc=0&iag=0&icsg=37593834760959&dssz=43&mdo=0&mso=0&u_tz=180&u_his=4&u_java=0&u_h=768&u_w=1366&u_ah=768&u_aw=1366&u_cd=24&u_nplug=3&u_nmime=4&adx=140&ady=1844&biw=1347&bih=648&scr_x=0&scr_y=1091&eid=44723321%2C21066357&oid=3&psts=AGkb-H9wh3eK_2Nuw4JbIgoT28M0n-9PJ-nWKFQkv5OCPMDTXkJGu-A3Itlx-b9oKddK%2CAGkb-H9Ih9FFHL4SzvjG6z1hW8YXYsm1T2F7KSIfrywIvqjUwop_Zrik2Fp23PMeMB3X%2CAGkb-H8e_norIvE38LXuHZobpBaGfsFxl5WKtjGtyoIFtlhqQH1HBT5tKdLm45aACE6f&pvsid=3586211103060062&pem=972&ref=https%3A%2F%2Fwww.mustaqbalradio.net%2F&rx=0&eae=0&fc=384&brdim=0%2C0%2C0%2C0%2C1366%2C0%2C1366%2C768%2C1364%2C648&vis=1&rsz=%7C%7Cs%7C&abl=NS&fu=8320&bc=31&jar=2020-08-23-05&ifi=6&uci=a!6&btvi=4&fsb=1&xpc=zsvSNHbCfw&p=https%3A//www.mustaqbalradio.net&dtd=460

Dhanka kale waxa uu ka hadlay howlgalo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ay ka wadeen waddooyinka muhiimka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, maadaama weerarada jidgalka ah iyo qaraxyada ay geysanayaan Al-Shabaab uu u istaagay isu socodka Gaadiidka.

Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle ayaa sheegay in haatan isbadal Amni laga dareemayo waddooyinkaas ay ka howlgaleen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle si dib loogu soo celiyo xasiloonida.

Maxamed Cabdiraxmaan Khayre Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle waxa uu dhawaan sheegay in Al-Shabaab culeys militari ay saareen Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii Shabeelaha Hoose oo ay xad wadaag yihiin uga guureen duqeymaha diyaaradaha iyo weerarada Ciidamada Dowladda.