Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey

10

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan).

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyey xil ka qaadista lagu sameeyey Janan oo ka mid ahaa wasiirada saameynta leh ee Jubbaland.

Xil ka qaadistan ayaa timid, kadib markii wasiir Janan shaaciyey inuu wada-hadal hoose kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomalaiya.