Wasiirka Arimaha Gudaha KGS oo maanta gaaray Degmada Wanlaweeyn

136

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshisinta dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi ayaa maanta gaaray degmada Walaweyn ee gobolka shabeelaha hoose,

Wasiirka iyo wafdisgiisa ayaa ujeedka safarkoodu wuxuu ahaa xalinta shaqaaqooyin mudooyinkii dambe ka tagnaa degmada Wanlaweeyn ee gobolka shabeelada Hoose

Wasiir Mohamed Abukar Cabdi ayaa maanta halkaasi kula kulmay masuulyiinta degmada sidoo kale odayashada degmada Wanlaweeyn wuxuuna kala hadlay sidii loo baajin lahaa shaqaaqooyinka soo laab laabta ee kajiray maalihimii dambe degmadaasi wasiisrka ayaa sheegay in haatan loo baahanyahay ka wada shqeeynta nabada iyo xasilinta degmada aysana u dulqaadin doonin dagaaladaan ku soo laa laabanaya degmadaasi wuxuuna si doo kale wasiirku balan qaaday in ay ka shaqeeyn doonaan hormarka iyo xasilinta Degamadaasi,

Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa hoos yimaada tuulooyin badan waxaana bilihii dambe halkaasi kajiray dagaalo sokeeye oo laa laabtay kuwaasi oo geestay khasaare waxaana maamulka koonfur galbeed ay kuguuleeysteen in ay nabad dhex dhigaan beelihii halkaasi ku dagaalamayey,

Mohamed Abukar Cabdi wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshisinta dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa ku baaqay in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo loogana hortago dagaalada sokeeye ee ku soo laa laabta gobolka shabeelada hoose gaar ahaan Degmada Wanlaweeyn

HALKAAN KA EEG SAWIRADA