Wasiirka Arrimaha Gudaha KGS oo dhagax dhigay Waddo Muhiim ah.

33

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Abukar Abdi ayaa maanta kormeer shaqo ku sameeyey xafiiska maamulka degmada Baydhabo oo uu ka wareystay xaaladaha howlaha shaqo.

Sidoo kale wasiirka ayaa dhagax dhig iyo kormeerba ku sameeyey waddooyinka magalaada oo si isxilqaan ah ay ku dhisayaan shacabka magalaada Baydhabo,

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha oo ay wahelinayaan maamulka gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo ayaa ugu horeyn dhagax dhigay boondada salaamey,waxayna kormeereen wadada dheer ee xaafada wadajir oo si isxilqaan ah ay ku dhisayaan shacabka magaalada.