Wasiirka Ciyaaraha & dhalinyaradda KGS oo Cambaareeyay Falkii Lagu Dhaawacay Ciyaartooyada Koonfur Galbeed .

23

Ciyaartoy ka tirsaneyd kooxda Kubadda Cagta Koonfur Galbeed uga qeyb gashay tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada ayaa shalay Maqriibkii  lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciyaartoydan oo ka soo baxayey garoonka Eng. Yariisow roobka looga dhigay dhagxaan xili ay la socdeen buskii ka soo qaaday garoonka kuna sii jeedeen gobta la dejiyey.

Taageerayaal ka soo qulqulayey garoonka Eng. Yariisow ayaa la sheegay iney geysteen falkaas oo ka baxsan Isboortiga iyo dhaqanka  taageerayaasha.

Ciyaartoyda dhaawacantay oo ay ku yaallaan daqaro iyo dhaawacyo kale ayaa la dhigay Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) ee magaalada Muqdisho halkaasoo  xaaladooda lagula tacaalayo.

Wasiirka Dhalinyaradda & Ciyaaraha  dowlada Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa si kulul u cambaareeyey falkan lagula kacay ciyaartoyda Koonfur galbeed.

“Ka dib markay dhamaatay ciyaarta galabta,taageerayaasha Gobolka Banadir waxa ay dhaawacyo u geysteen ciyaaryahanadi u cayaarayay Koonfurgalabeeed.
Waxaan ku suganahay Isbitaalka Digfeer oo aan ku dabiibeyno ciyaaryahannada.
Kubada cagta waa nabad iyo isdhexgal bulsho
Waxaan aad ugu xunahay in la bartilmaameedsado ciyaartoyda, masuuliyiinta,macalimiinta iyo qaar kamid ah taageerayaasha KGS.”ayuu yiri .

Xulka Koonfur galbeed ayaa ka haray ciyaaraha dowlad goboleedyada ka dib markii Shalay kooxda Gobolka banaadir ay kaga adkaadeen  3-1 Ciyaar semi final aheyd oo ka dhacday garoonka Eng. Yariisow.

Xalaada Ciyaartooyada ayaa saakay  waxa lagu dhaaweynayaa Isbitaalka digfeer iyadoo ay soo hagaageyso xalaadooda Caafimaad.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA CIYAARTOYDA LA DHAAWACAY