Wasiirka cusub Dhallinyarada iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Ibrahim Adan Ali Najah ayaa maanta loo dhaariyay xilka Cusub oo uu Magacaabay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdi Casis Lafta Gareen
Wasiirka cusub Dhallinyarada iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Ibrahim Adan Ali Najah oo dhaarinta kadib hadlay ayaa waxaa uu sheegay in xilka Cusub ee loo igmaday in uu u gudan doono si wanagasan waxana uu yiri” Waxaan ku dhaartay magaca Alle, inaan Dadkeyga iyo dlakeyga ugu adego si cadaalad ah, Waxaan rajeynaa Dhamaan Dhalinyaradda Koonfurgalbeed inaan wada shaqeyn doonno.”
Wasiirka cusub Dhallinyarada iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxa uu balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidi loo horumarin lahaa dhalinyarada deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .
Mudane Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxaa lagu yaqaana howl karnimo daacadnimo iyo shaqo gudasho wanaagsan isagoo mudadii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka uu ahaa mid u adeega bulshada rayidka