Wasiirka Cusub ee Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha KGS oo ka mahad celiyay Xilka Cusub e Loo Magacabay Galabta .

55

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xilka Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed loo magacaabay inuu noqdo Ibrahim Adan Ali Najah  oo horey u ahaa Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kadib markii ay wareegtadan ka soo baxaday Xafiiska Madaxweynaha KGS ayaa waxa ka mahad celiyay  Wasiirka Cusub ee  Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed mudane Ibrahim Adan Ali Najah Waxana uu yiri

“Waxaan marka hore u mahadcelinaa Alle subaxaanuhu watacaala, marka xigtana Madaxweynaha Koonfurgalbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen,oo mar kale ii oggolaaday inaan u adeego bulshadeyda.”
sidoo kale wasiir Ibrahim Adan Ali Najah oo hadalkiisa mahad celinta ah sii wata ayaa waxa uu Balanqaaday isagoo yiri:

“Waxaan aaminsanahay inaan leeyahay Kartida iyo Awoodda shaqo ee la ii igmaday si hufanna ugu shaqeyn doono dhalinyaradda reer Koonfurgalbeed Soomaaaliya.”

Wasiirka Cusub ee  Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed mudane Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxa uu yahay shaqsi u qalma Xilka loo magacaabay ee ah wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha KGS madama uu waxbadan  uu ka soo shaqeeyay arrimaha horumarinta bulshadda